In kabadan 30 qofood oo saakey ku dhimatey Madaafiicda Amison PDF Print E-mail

 

 Madaafiicdaani oo is daba joog aheyd ayaa waxaa ay ku dhaceysa Xaafadaha degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir halkaasi oo inta badan ay saameeyaan dagaalada u dhaxeeya Xoogaga Hubaysan iyo AMISOM.

 
Inta la ogyahay Madaafiicdaasi ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30 ruux iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 60 qofood oo rayid ah,waxaana saraakiisha gaadiidka gurmadka deg deg ah ay warbaahinta u Sheegeen in ay arkeen 11 dhimasho ah iyo dhaawac 29 kale oo ay isbitaalada u qaadeen.
 
Madaafiicda ayaa waxaa la sheegay in markii hore ay ku bilowdeen agagaarka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM,waxaana ay bilowdeen kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay xireen Wadada Makka Al Mukarama iyo mid aada Airport-ka Muqdisho oo la sheegay in uu ka baxayay madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
 
Madaafiic fara badan oo ay soo ridayaan ciidamada AMISOM oo is daba joogta isolamarkaana njawaab u ahaa kuwii lagu riday Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ay ku dhacayeen Xaafadaha degmada Hodon waxaana ka mid ah goobahaasi Xaafadda Barmuudo,K.p.p iyo Isgoyska Suuqa Bakaaraha,waxaana madaaficdaasi ay sameyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqii ganacsiga ee saakay ka bilaaban lahaa gudaha Suuqa Bakaaraha.
 
Dadka ku waxyeeloobay Madaafiicda ayaa waxaa la sheegay in helbahoody ay aad ugu jar jarmeen Madaafiicda waxaana dadka ugu badan ay ku waxyeeloobeen gudaha Suuqa Bakaaraha halkaasi oo meel shub ah oo ay ku gambanayeen dad rayid ah Madfac Pm ah oo ku soo dhacay uu geystay dhimashada ilaa lix ruux iyo dhaawaca 8 kale.

 

Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay adeegsanayeen madaafiicda ka dhacda qoriga loo yaqaan PM-ka waxaana ay si toos ah ugu soo garaaceen gudaha Suuqa Bakaaraha iyo hareerihiisa gaar ahaan wadada u dhaxeysa Isgoysyada Howlwadaag iyo Bakaaraha halkaasi oo qiic fara badan laga arkayay.

 
Valid XHTML 1.0 Transitional
Valid CSS!