| 75 Dhimasho & Dhaawac isugu jira oo ka dhashey duqeyntii AMISOM. |
|
|
|
|
Gooboaha Dhibaatooyinka ugu Xoogani ka soo gaareen Dadka Rayidka ah waxaa kamid ah Suuqa Ariga, Masaajidka Biyo Maalow, Suuqa Badarka, Wadada koowaad ee Shirkadaha Hormuud iyo Telcom, Xaafada Siinaay iyo Qeybo kale oo kamid ah Magaalada oo ay u gudbeysay Madaafiicda Goobta ee Sida indha la’aantaha loogu ridayey Goobaha Rayidka. Dhaawacyada soo gaaray Dadka Rayidka ah ayaa u badan kuwo Halis ah waxaana Dhaawacyada badankood ka muuqaneyey Burbur iyo Dhibaato Xoogan. Degmada Hodan ayaa waxa mar qura isqabsaday Qiiq, Boodh iyo Qeylo laga maqlayey Dadka ay ku habsadeen Madaafiicdu. Duqeyta Saaka ayaa aheyd mid kamid kuwii ugu Xooganaa ee loogeysto Suuqa Bakaaraha iyo Deegaanada ku hareereysan. Majirto hadal ka soo baxay taliska Ciidamada AMISOM iyo Dowkada FKMG ah oo ku aadan Dhibaatada xoogan ee Rayidka u geysteen Madaafiicdii ay ku garaaceen. Waxa ayna duqeytan ku soo beegantan xilli uu M/weynaha DKMG, Sh Shariif ka dhoofayay Garoonka Muqdisho kuna sii jeeday dhanka Dalka Uganda
|