| Aminson oo dad rayid ah ku laaysey suuqa Bakaaraha |
|
|
|
|
Madaafiicdaan qasaaraha geysatay ayaa waxaa soo ridey ciidamada Aminson xili aysan dagaalo ka jirin Magaalada Muqdisho Waxaana Dhaawaca dadka ku waxyeeloobay la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo haatan xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo. Inta la ogyahay labo ruux ayaa ku geeriyootay Madfac ku soo dhacay Isgoyska Bakaaraha iyadoo ay ku dhaawacmeen ilaa 6 qofood iyadoo xiligaasi kadibna kala firxad laga dareemay halka ay madaafiicdu ka soo dhaceen.
Ilaa iyo hadda lama oga ujeeddad Madaafiicda loogu garaacay Suuqa Bakaaraha iyadoo ay imaanayaan madaafiicdaan xili aysan magaalada ka jirin wax dagaalo ah. Inta badan madaafiicda lagu garaaco gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ay saameyn badan ku yeelataa howlaha ganacsiga ee Suuqaasi iyadoo ilaa iyo hadda asyan jirin cid wax ka qabatay. |