Kooxo Hubeysan oo Xaley sedax qof ku diley Beledweyne. E-mail

 

 Xalay saqdii dhexe ayaa kooxo hubaysan islamarkaana wata gaari yar oo nuuca raaxada waxaa ay xaafadda kooshin Laanta Raadeerka ku dileen ilaa sedax qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen walaalo ganacsato ah iyo qof rayid ah oo la sheegay in uu ku soo baxay dhawaqa rasaastii lagu dilayay labada qof ee ganacsatada ahaa.

Kooxaha falka geystay ayaa daqiiqado kadib markii ay fuliyeen falkaasi waxaa ay ka baxsadeen goobta iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in kooxaha falka geystay ay gaarayeen ilaa 20 qof oo aad u hubeysnaa.

Dadka degaankaasi ku dhaqan ayaa saakay hadal haya waxyaabihii xalay ka dhacay Xaafadda Kooshin ee Magaalad Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan iyadoo ilaa iyo hadda aanay cadeyn ujeedada dhabta ah ee ragaasi ganacsatada ah lagu dilay.

Majiro ilaa iyo haatan masuul ka tirsan Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Baladweyn oo ka hadlay dilka loo geystay sedaxdaasi qofood oo labo ka mid ah ay walaalo ahaayeen islamarkaana lagu kala magacaabayay Cali Axmed Nuur iyo Cumar Axmed Nuur.

Magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa mudooyinkii ugu dambeysay xaaladeedu waxaa ay aheeyd mid soo hagaagaysa hase ahaatee shacabka ku dhaqan Magaalada Baladweyn ayaa saakay si weyn u hadal haya waxyaabihii ka dhacay Magaaladaasi.

 

 
Valid XHTML 1.0 Transitional
Valid CSS!