Madaxweyne Sh. Shariif oo beeniyyin ciidan loogu tababarayo Kenya PDF Print E-mail

Madaxweynaha dowladda Midnimo Qaran ee Soomaaliya Sheekh Shariif sheikh Axmed ayaa beeniyay in dhalinyaro Soomaali ah ay dowladda KMG ku tabaranayso gudaha wadanka Kenya.

Madaxweynaha dowladda Midnimo Qaran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu maalmo ka hor safar kaga soo laabtay wadamo dhowr ah oo uu ku jiro Maraykanka ayaa waxaa uu sheegay in uu arimaha Soomaaliya kala hadlay madax ka tirsan Caalamka shir ay isugu yimaadeen Magaalada New Yorka ee dalka Maraykanka.

Waxa uu sheegay madaxweynuhu in uu kala hadlay madaxdaasi sidii Soomaaliya looga saari lahaa dhibaatada ka jirta islamarkaana xal loogu heli lahaa dagaalada ka soconaya Soomaaliya,sidii gar gaar loogu fidin lahaa dadka ku barakacay gudaha dalka iyo sidii dowladu ay u heli laheyd taageero Caalami ah oo ay wax kaga qabato amaanka Soomaaliya

Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif Mar wax laga weydiyay warar la isla dhexmarayay oo ku aadan in dhalinyaro ciidan u noqonaya dowladda Midnimo Qaran  lagu tababarayo gudaha dalka Kenya ayaa waxaa uu sheegay in aysan waxba ka jirin arinkaasi islamarkaana looga been abuurtay dowladda Midnimo Qaran isago sheegay in aysan jirin baahi dowladda Midnimo Qaran ay dhalinyaro Soomaaliyeed ugu soo qorota gudaha dalka Kenya.

Arintaani ayaa ku soo beegmaysa xili qaar ka mid ah warbahinta Caalamka ay hadal hayeen in dowladda Midnimo Qaran ay dhalinyaro Soomaali kenyaati ah si ciidan ahaan ah ugu tababarayso gudaha dalka Kenya si ay uga bar bar dagaalam ciidamada dowladda oo dagaal kula jira xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda.

 
Valid XHTML 1.0 Transitional
Valid CSS!