Roobab mahigaan ah oo kalifey in dadka isaga qaxaan B/weyne PDF Print E-mail

 

 Boqolaalka qoys ee ku nool xaafadaha Nuur Xawaad, Xaawo Taako iyo Raadeerka ee Magaalada Baladweynayaa waxaa ay bilaabeen in ay isaga barakacaan guryihii ay dagaanaayeen kadib markii ay ku soo rogmadeen waadiyaal wada biyo baaxad leh oo ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee 24-kii saac ee ugu dambeeyay ka da’ayay gudaha Magaalada Baladweyn iyo buuraha ku teetsan.

 Qoysaskaani ayaa waxaa la arkayay iyagoo ku qaxaya gaari dameero iyo gaadiid kale kuwaasi oo u barakacayay Xafadaha kale ee Magaalada Baladweyn,buurtajante kundhishe iyo deegaanka Ceelgaal ee gobolka Hiiraan.

 Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ay geysteen daadadka ayaa hadana wararku waxaa ay sheegayaan in xoolo reer miyigu ay lahaayeen ay daadadka qaadeen kuwaasi oo la sheegay in ay wabiga ku shubeen.

Tuulooyinka dhinaca waqooyi galbeed ka xiga Magaalada Baladweyn ayaa waxaa ay bilaabeen in ay xaafadahooda idaga barakacaan kadib markii uu fatahaad sameeyay wabiga Shabelle waxaana qoysaskaasi ay u barakaceen dhulka miyiga ee ka dheer deegaanada uu maro Wabisha Shabelle ee gobolka Hiiraan.

 

 

 
Valid XHTML 1.0 Transitional
Valid CSS!