|
Jaaliyada beesha Warsangali harti abgaal ayaa waxeey kulan ku yeeshey magaalada London maalintii shaley taariikhduna ahey 08 November 2009 ka , waxaana kulankaas ka soo qeeybgaley dad isugu jira bulshada qeybaheeda kala duwan oo eey ka mid ahaayeen aqoonyahano, siyaasiyeen iyo waxgarad kale.
Kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa dadka ka hadley Col. Cabdullahi Cabdi Dule, Ciise Maxamuud Tuuryare, Maxamed Cabdi Dhagaweyne iyo Ciise Maxamed Yalaxoow waxeeyna halkaas kaga hadleen marxalada wadanku marayo iyo cagabooyinka kala duwan ee dowlada soo food saarey.
Dowlada Midnimo Qaran ayaa waxaa haysto culeysyo aad u farabadan ha ahaato dagaalada eey kula jiraan mucaardka iyo ayadoo u qabsoomi la,yihiin howlaheedii dowladnimo balse eey ku jirto dadaal aad u farabadan eeyna ka midtahey isbadalkii dhawaan ku sameysey maamulka Gobolka banaadir kaas oo loo magacaabey C/rasaaq Maxamed Nuur (Eng Nuune) oo balan qaadey in uu xooga saari doono la dagaalanka saboolnimada oo uu sheegay in maamulkiisu uu 20-ka maalmood ee ugu horeysa dar dar gelin doonto.
Gabagabadii shirka ayaa waxaa uu ku dhamaadey jawi isfahan waxeeyna jaaliyada ku heshiiyeen in taageero buuxdo eey siiyaan Dowlada Midnimo Qaran ee uu madaxweynaha ka yahey Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
|